Dowladda Federaalka Oo Ka Shaacisey Waqtiga Xariga Laga Jarayo Jidka Muqdisho Iyo Afgooye

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xukuumadda Frederaalka ah ee Soomaaliya  ayaa faah faahin ka bixisay xilliga rasmiga ah ee xariga laga jarayo dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhismaheeda uu waqt hore soo bilaawday.

Wasiirka Howlaha guud & Guryenta ee Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Soomaali ayaa sheegay in qorshuhu ahaa in xariga laga jaro dhismaha wadada Bishii Febaraayo ee la soo dhaafay balse sababao amni darted uu dib ugu dhacay.

Wasiirka oo la hadlay Warbahinta dowladda ayaa sheegay in dhismaha wadada uu haatan yahay geba-gabo, isla markaana la gaarsiiyay Buundada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, dhawaana xariga laga jari doono.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa uu tilmaamay inay wadadaas ka jiraan dhibaatooyin adeg oo dhinaca amniga, hayeeshee inta ugu muhiimsaneyd shaqada la qorsheeyay la qabtay, isagoona shacabka ka dalbaday inay kala shaqeeyaan inta hartay.

Ugu dambeyn Wasiir Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa shaaca ka qaaday in wadada isku xirta wadada xirta Muqdisho iyo Afgooye si toos ah loo furi doono muddo dhan 60 maalmood guhadood, sida uu qorshahu yahay, isla markaana dowladda rajeyneyso in la furo.

Wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho & Afgooye oo dhowr sano uu socdo dhismaheeda ayaa waxaa ka dhacay qaraxy qaarkood ismiidaamin ahaa, kuwaas oo lagu dilay Injineero Turki ah iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.