Dowladda Federaalka oo sheegtay in dagaal lagu qabtay Saraakiil katirsan Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay wehlinayeen kuwo katirsan daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degaano hoostaga degmada Jamaame oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Intii ay Ciidamada howlgalka kujireen ayaa waxaa dagaal uu dhexmaray Xubno katirsan Ururka-Shabaab, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil katirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen inay dagaalka ku qabteen lix kamid ah Saraakiisha Al-Shabaab, sidoo kalena ay dileen 10 dagaalyahan oo katirsan Ururka Al-Shabaab intii uu socday dagaalka.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ilaa iyo inta ay ka saarayaan degmooyinka igo degaannada ay weli kaga sugan yihiin Gobolka Jubbada Hoose.

Inta badan Ciidamada xoooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgallo Wadajir ah waxaa ay ka fuliyaan degaano iyo degmooyin kuyaalla gobolada Jubbooyinka balse ay mararka qaar weeraro kala kulmaan Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.