Muqdisho-Ayaamaha.com War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warbixinta kasoo baxday Kooxda ka hadashada Xasaradaha Adduunka ee lagu magacaabo International Crisis Group (ICG) ee la xiriirta sababta hoos u dhigtay awoodda ‘AS’
Kooxda ayaa sheegtay in ay ‘AS’ Xeelad baddel ku samaysay awooddii dhinaca weerarrada balse waxaa hadalkaas beeniyay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegtay in cadaadis Shacabka iyo Dowladda ay si wadajir ah u saareen uu hoos u dhacay awooddooda.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xustay in aanay jirin tanaasul ka yimid dhinaca ‘AS’ oo la xiriira ‘Dhibaatooyinkii ay gaysan jirtay’ balse culayska Militari ee dhinaca Dowladda oo garab ka halaysa Shacabkeeda uu sababay in hoos u dhacdo awooddooda.
Warbixinta ICG ayay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ku tilmaamtay mid dhinac ka raran isla markaana lagu wiiqayo awoodda Ciidamada Soomaaliya iyo shacabka is wata si wax kama jiraan looga dhigo guulaha ay ka gaareen duullaankooda ka dhanka ah ‘AS’ sida hadalka loo dhigay.
“Warbixintu waa mid nasiib darro ah oo khaladaad badan uu ku jiro, ma dheellitirna, Argagixisada waxaa lagu wiiqay awoodda Ciidamada Qaranka oo kaashanaya Shacabkooda, Al-Shabaab kama tanaasulin naxariis darrideeda balse waxaa lagu qasbay in ay xeeladdeeda baddesho sababo la xiriira cadaadiska joogtada ah ee ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed” Sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Gaashanadhigga Soomaaliya.
Bayaanka jawaabta ah ee ka yimid dhinaca Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa tusaale loogu soo qaatay nabadgalyada ka jirta Magaalada Muqdisho isbaddelka nabadeed ee ka muuqda, waxaa intaas lagu daray in ciidamada qaranka ay had iyo jeer u taagan yihiin xoojinta xasiloonida sida hadlaka loo dhigay.
“Maanta Muqdisho waa ammaan, ciidanka Soomaaliyeed ayaa dhiggooda u huray sidii Bulshada looga ilaalin lahaa wax weliba oo dhibaato ku ah xasiloonidooda, waxaa la burburiyay shabakado isku xiran oo ‘AS’ waana la ciribtiray xorriyaddii ay horay ugu dhaqdhaqaaqi jireen” Sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan waxa ay ku howlan tahay abaabul dagaal oo ka dhan ah ‘AS’ iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in qorshahaan cusub uu ka duwan yihiin tallaabooyinkii horay loo qaaday sida uu hadalka u dhigay.











