Dowladda Imaaraadka Carabta oo safiir cusub u soo magacaabatay Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa bedeshay safiirkeedii u joogay dalka Soomaaliya gaar ahaan ka howlgallayay magaalada muqdisho ee Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi safiir cusub u soo magacawday Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in Ahmad Juma Al Rumaithi uu la wareegayo xilka Wakiilka ugu sareeya Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, isagoo bedelaya Maxamed Axmed Al-Othman.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah isku shaandheyn ballaaran oo diblumaasiyadeed oo ka dhacaysa wadamada saaxiibada la ah Imaaraadka, taasoo Imaaraadku sheegtay inay lagama maarmaan tahay in wax laga qabto caqabadaha cusub ee imaaraadka wajahayo.

Dowladda Imaaraadka carabta ayaa horay u bedeshay safiiradii u joogay dalalka India, Germany, Bangladesh, Finland, Nepal, Poland, Costa Rica, Ireland, Georgia, Jordan, iyo Yemen.

Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta waxaa ka dhexeeyay xiriir diblomaasiyadeed oo dheer. Sidaas oo ay tahay, waxa uu xiroorkoodu xumaaday, markii uu Imaaraadku saxeexay sannadkii 2016-kii heshiis lagu horumarinayo, laguna hawlgelinayo Dekedda Berbera ee Somaliland, taas oo sababtay in sannadkii 2018-kii lagu qabtay diyaarad Imaaraadku Muqdisho ku lahayd oo ku dhow 10 Milyan oo Doollar.

Kaddib doorashadii madaxtinimada ee bishii May si weyn isha loogu hayay, Ra’iisal wasaarii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u duulay Dubai si uu shakhsi ahaan u gaarsiiyo lacagtaas, raaligelinna ka bixiyo qabashada lacagtaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii June booqday Imaaraadka Carabta, isaga oo madaxda dalkaas kala hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood iyo sidii wadashaqeyn u dhexmari laheyd.