Dowladda Iraq Oo Cambaaraysay Weerarkii Diyaaradaha Maraykanka Ka Geysteen Iraq

A MQ-9 Reaper unmanned aerial vehicle prepares to land after a mission in support of Operation Enduring Freedom in Afghanistan. The Reaper has the ability to carry both precision-guided bombs and air-to-ground missiles. (U.S. Air Force photo/Staff Sgt. Brian Ferguson)

MUQDISHO-AYAAMAHA-Afhayeenka Taliska Milliteriga Iraq, Yaxya Rasuul ayaa sheegay inay cambaareynayaan duqeymahaasi oo xadgudub ku ah Qaranimada Iraq, wuxuuna xusay inay baaritaano samayn doonaan.

Qoraal uu Afhayeenka soo saaray waxa uu xusay inay Maraykanka khatar geliyeen Ammaanka Qaranka Iraq, isla markaana ay qaadi doonaan dhamaan Tallaabooyinka looga hortegi karo Duqeymo noocaasi ah.

Dhinaca kale, Maleeshiyooyinka Kataa’8g Xisbullaahi iyo Kataa’ib Sayid Al-Shuhadaa oo ay Dowladda Iran taageerto waxay sheegeen inay ka aar-goosan doonaan Duqeymihii Maraykanka u geysteen Farisiimo ay ku leeyihiin xuduudka ay dalalka Iraq iyo Syria wadaagaan.

Diyaaradaha Dagaalka ee Maraykanka waxay saqdii dhexe ee xalay duqeymo la geysteen Fariisimada Kooxahaasi, oo lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen Daroonis lagu weeraray Saldhigyo ay Milliteriga Marakanka ku leeyihiin gudaha dalka Iraq.