Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday howlgal weyn oo ka dhan ah TPLF

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Federaalka ee Itoobiya ayaa ka digtay suuragalnimada “in awoodeeda difaac oo dhan” ay kaga hortagi doonto falaagada ka dagaalanta gobolka Tigrey ee Waqooyiga dalkaasi, kadib markii dagaalyahanada mucaaaradka ay dhowaan hormar ka sameeyeen dagaalka ay kula jiraan ciidmada dowladda.

Dagaalyahanada TPLF waxay Khamiistii la wareegeen gacan ku haynta magaalada Lalibela, oo ah magaalo ay hay’adda Unesco u aqoonsatay inay tahay magaalo qadiimi ah.

Magaaladan ayaa waxay ku taallaa gobolka Amxaarada oo daris la ah gobolka Tigrey.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay “in lagu qasbayo in inay abaabusho oo ay gobolka Tigrey u daadgureyso dhammaan ciidamada qalabka side”.

Dagaallada ayaa sii xoogeysanayay tan iyo bishii Juun markaas oo jabhadaha (TPLF) iyo xulufadeeda, ay dib u qabsadeen inta badan deegaanada gobolka Tigray.

Ciidanka xukuumadda Itoobiya ayaa ka baxay gobolkaasi waxayna dowlada ku dhawaaqday xabbad -joojin hal dhinac

Si kastaba ha ahaatee, waddooyinkii gargaarka ee lagu tagi jiray Tigrayga ayaa la xanibay, mas’uuliyiintuna waxay abaabulayeen dagaalyahanno, iyadoo dadka dalka oo dhan lagu dhiirri -gelinayo inay is qoraan si looga hortago ciidmada TPLF.