Dowladda Itoobiya Oo Markii U Horeysay Ka Hadashay Heshiiska Kenya iyo Somaliland

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Itoobiya ayaa markii u horeysay ka hadashay socdaalkii uu dhawaan madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ku tagay caasimada dalka Kenya ee Nairobi, halkaas oo heshiis ku wada gaareen labada dhinac.

Itoobiya ayaa sheegtay in heshiiska ay wada gaareen Somaliland iyo Kenya uu kor usii qaadayo xiisada Nairobi iyo Muqdisho, iyada oo si gaar ah usoo qaadatay qoddob ku jiray heshiiskaasi oo dhigayay in Kenya ay qunsuliyad ka furato Hargeysa.

“Kenya waxay qunsuliyad ka furan doontaa Somaliland, taas oo u ololaynaysa aqoonsi caalami ah, siina kordhinaysa is-faham-waaga u dhaxeeya dowladda jaarka ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri Warbixinta toddobaadlaha ah ee ay wasaarada arrimaha dibedda Itoobiya kasoo saarto falanqeynta gobolka.

Xukuumadda Itoobiya ee uu hogaamiyo Abiy Axmed ayaa waxa uu xiriir saaxiibtinimo kala dhaxeeya dowladda federaalka, taasi oo keentay inay walaac ka muujiso heshiiska aan weli dhaqan gelin ee dhex-maray Muuse Biixi iyo Uhuru Kenyatta.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka uu xiriir diblumaasiyadeed kala dhaxeeyo Somaliland, inkasta oo uu meeqaamkiisi lumay tan iyo markii uu Abiy Axmed dhinaca saaray dowladda federaalka.