Dowladda Kenya oo raali gelin buuxda ka bixisay gefkii ay u geesatay qaranimada Soomaaliyeed

NAIROBI-AYAMAHA-Dowladda Kenya ayaa ka cudur-daaratay Shirkii maanta uu ka baxay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya kaddib markii Wakiil ka socday Somaliland uu qeyb ka noqday Shirka

Madaxweynaha Kenya ayaa shirkaas iskugu yeeray danjireyaasha dalalka caalamka u fadhiya Nairobi

Kenya waxay sheegtay inay qaddarin u hayso madax bannaanida Soomaaliya waxayn ka cudur-daaratay joogitaanka Wakiilka Somaliland iyadoo sheegtay inay si dhow ula shaqeyn doonto safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Cudur-daarka Kenya ka hor Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay ka bixitaankii safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya uu maanta ka baxay kulan ay qabanqaabisay wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya.

War ka soo baxay safaaradda Somaaliya ee Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay si ula kac u martiqaadday qof ka Socday Somaliland oo qoraal ka soo baxay safaaradda uu ku tilmaamay gobol ka tirsan Soomaaliya.

Arrrinta ayuu qoraalkaas ku sheegay in loola dan lahaa in xurmad isku mid ah la siiyo danjiraha Soomaaliya iyo qofka la casuumay taasoo keentay in Danjire Maxamed Nuur Tarzan uu shirka ka baxo.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay dowladda Kenya in ay sharraxaad ka bixiso xagudub ay sheegtay in loo geysatay madaxbannaanida Soomaaliya kaasoo ka yimid Jamhuuriyadda Kenya sida qoraalkaasi xusay.