Dowladda Masar Oo Ka Hor-Timid Qorshe Biyo Xireen Kale oo Itoobiya Ay Dhisan Doonto.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Masar ayaa waxaa ay si kulul u cambaaraysay hadalkii uu RW Ethiopia, Abiy Ahmed ku sheegay inay in ka badan 100 Biyo-xireeno waa weyn iyo kuwo yaryar ka dhisi doono dalkiisa.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Masar ayaa lagu sheegay inay Ethiopia weli muujinayo Daacad-xumo, kuna xadgudbayso Xeerarka Caalamiga.

Masar waxay kaloo sheegtay inay had iyo jeer aqoonsan yihiin Xuquuqda ay dhamaan dalalka ku xeeran Webiga Niil inay Mashaariic Biyo dhistaan, balse waa in marka hore La-tashiyo iyo Heshiis lala gaaro dalalka ay waxyeelladdu ka soo gaari karto.

RW Ethiopia, Abiy Ahmed waxa uu sheegay inay Dhismaha in ka badan 100 Biyo-xireen bilaabi doonaan sanad-maaliyadeedka soo socda, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Qorshahaasi yahay Xeelladda keliya ee looga hortagi karo waxa uu ugu yeeray Quwdaha shisheeye ee Caddowga ku ah dalkiisa.