Dowladda Masar oo si toos ah u soo faragelisay Madaxtooyada Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Raaligelin ka bixisay war horay uga baxay isla Madaxtooyada ee ahaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan la qabin warkii uu sheegay Madaxweynaha Masar ee ku saabsanaa in labada dal ay ka wada hadleen arrinta Webiga Niil ee Madar iyo Itoobiya.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Abdikarin Cali Kaar ayaa goordhow ka hadlay warkii uu horey u beenay, wuxuuna raaligelin ka bixiyey hadalkii uu ka sheegay shirkiisa jaraa’id ee warbaahinta u qabtay. Hadalkiisa ayaa waxaa uu ku sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh marnaba uusan ka hadlin arrinta webiga Niil ee muranka ka dhaxeeya Masar iyo Itoobiya.

Arrintaan ayaa loo arkaa in dowladda Masar ay si toos ah u soo faragelisay Mafaxtooyada Soomaaliya laguna qasbay madaxtooyada Soomaaliya inay raaligelin ka bixiso hadalkaas.

Dowladdii uu hogaaminaayey Madaxweyne hore ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la aaminsanaa in Itoobiya ay si buuxda garab ugu aheyd, iyadoo la fogeeyey dowladaha carabta sida Masar iyo Imraadka Carabta, taas bedelkeeda dowladda cusub ayaa hada u janjeertay dhanka Masar iyo Imaaradka.

Hoos ka akhriso.