Dowladda oo sheegtay in duqeyn lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay howlgalladii ugu dambeeyay oo ay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedka Galmudug ka sameeyeen degaannada Gobolka Mudug, halkaas oo ay dagaal kula galeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug guulo waaweyn ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda bariga gobolka Mudug.

Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Maanta Barqadii duqeyn lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab, taas oo lagu difaacayay Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Ugu dambeyn Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada dowladda gar ahaan kuwa Kumandooska DANAB iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.