Dowladda Qatar oo Safiir Cusub u soo Magacaabatay Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Amiirka dalka Qatar ayaa Soomaaliya u soo magacaabay Safiir cusub oo lagu magacaabo abdallah saalim nasser Al holie oo ah Diblomaasi Sare, waxaana uu bedelayaa Safiirkii hore ee dalkaas u joogay Soomaaliya Xasan Bin Xamzah.

Qatar ayaa ah dalkii labaad oo ka mid ah Khaliijka oo is bedel ku sameysa Safiirkii Soomaaliya u joogay, horay Imaaraadka Carabta ayaa Safiir cusub u soo magacawday Soomaaliya.

Dhinaca kale Safiirkii Qatar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamzah ayaa munaasabad sagootin ah loogu sameeyay Muqdisho, kaddib markii ay u dhamaatay shaqadii Safiirnimo oo muddo 8 Sano uu dalkiisa uga wakiilka ahaa Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiiro iyo Diblomaasiyiin kale.

Qatar ayaa ah dalka labaad ee mashaariic horumarineed oo dib u dhis iyo sama fal ka fuliyay Soomaaliya shantii sano ee la soo dhaafay, mashaariicdaas waxaa ka mid ah mashruuc dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Agooye – Muqdisho iyo Balcad. Sidoo kale dhowaan la bilaabi doono Wadada Balcad iyo Jowhar oo Mashruuciisa la haayo.

Safiirka Xasan Bin Xamzah ayaa lagu ammaanay doorkii uu ku lahaa horumarinta iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar.