Dowladda Sacuudiga oo ku adkeysatay mamnuucidda sameecadaha masaajidada.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Mas’uuliyiinta dalka Sacuudi Carabiya ayaa ku adkeysanaya tallaabo ay ku xaddideen sameecadaha masaajidda oo ahayd in aan laga maqlin meel ka baxsan gudaha masaajidda.

Wasaaradda arrimaha Diinta ee dalkaasi ayaa usbuucii la soo dhaafay ku dhawaaqday in dhammaan sameecadaha masaajidda codkooda la gaabiyo oo aysan ka badan saddex meelood hal meel heerka ugu sarreeya codkooda.

Wasiirka arrimaha Diinta, Cabdulladhiif Al-Sheekh, ayaa sheegay in tallaabadani ay jawaab u tahay cabashooyinka ka imanaya dadweynaha.

Haseyeeshee tallaabadani ayaa aad loogu dhalilsay baraha bulshada, waxaana markiiba billowday baaqyo lagu baahiyay intarneedka oo ah in la mamnuuco codadka dhaadheer ee muusigada ee ka shidan maqaaxiyadaha.

Cabdulladhiif Al-Sheekh, wasiirka arrimaha Diinta Sucuudiga ayaa sheegay in waalidiinta qaar ay ka cawdeen sameecadaha codka dheer ee hurdada ka kicinaya caruurtooda.

Muuqaal laga baahiyay telefishanka dawladdu Sucuudiga ayaa wasiirku waxa uu sheegay in dadka doonaya in ay tukadaan aynan u baahnayn in ay sugaan Aadaanka salaadda.

Waxa uu “cadowga boqortooyada” ku tilmaamay dadka dhaleeceeynaya talaabadani, isagoo intaa ku daray in dadkaasi ay “doonayaan in ay khaldaan ra’yiga dadweynaha”.

Xayiraadahani ay dowladda Sucuudiga ku soo rogtay sameecadaha masaajidda ayaa imanaya iyadoo ay socdaan dedaallada dhaxal-sugaha boqortooyada Maxamed bin Salmaan uu ku doonayo in Sacuudi Carabiya laga dhigo dal furfuran isla markaana la yareeyo doorka diintu ay ku leedahay nolosha bulshada dalkaasi.

Waxaa horey loo khafiifiyay xannibaadii saarnaa arrimaha qaar ee bulshada, sida in gebi ahaanba la joojiyay xayiraadihii haweenka ka saarnaa in ay kaxeeyaan baabuurta. Balse dhaxal-suguhu wuxuu sidoo kale xaddiday xorriyadda hadalka ee dalkaasi, iyadoo kumannaan qof oo ka tirsan kuwa naqdiya siyaasaddiisa la xiray oo la caburiyay.