Dowladda Sacuudiga oo xaqiijisay in berri ay tahay maalinkii koowaad ee Soonqaad

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Sucuudiga ayaa xaqiijisay in maalinta berri ah ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan ka dib markii ay warbaahinta la hadleen khubaradii ku howlanaa raadinta bisha.

Dowladda Sacuudiga oo heysta qalab casri ayaa sheegtay in  meelo kala duwan oo dalka Sucuudiga ah laga arkay Bisha.

Dowladda ayaa sheegtay in bisha laga arkay magaalada Sudair, ee Sacuudiga, caawa waa habeenkii koowaad ee Soonqaad iyo Taraawiixda.