Dowladda Shiinaha oo diiday in markale Soomaaliya loo saaray cunaqateynta hubka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay hubka Soomaaliya la geeyo ee gacanta u gala ururka Al Shabaab iyo ururada kale ee Soomaaliya ka jira, taas oo “xadgudub ku ah cunno-qabteynta hubka ee Qaramada Midoobay.”

Golaha Amniga ee Qaramada Waxay Isniintii u codeeyeen in muddo sannad ah lagu kordhiyo muddada xayiraadda ee hubka Soomaaliya, iyagoo sheegay in dhaqdhaqaaqyada argagaxisada ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida ay sii wadaan in ay carqaladeeyaan xasilloonida Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku boorrisay inay sii waddo la shaqeynta hay’adaha maaliyadda ee gaarka loo leeyahay iyo beesha caalamka si looga hortago awoodda Al-shabaab ee dakhli-abuurista iyo dhaq-dhaqaaqa, kaydinta iyo wareejinta kheyraadka “si loogu isticmaalo falalka argagixisada iyo arrimaha kale.”

Qaraarka golaha ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay “warbixinnada joogtada ah ee musuqmaasuqa iyo weecinta hantida dadweynaha ee dalka Soomaaliya.”

Waxay sidoo kale mamnuuceen in Soomaaliya laga iibiyo ama loo daabulo walxaha qarxa ee lagu farsameeyo qarxyada ay Al-Shabaab adeegsato.

Dhoofinta dhuxusha, ayaa iyadana laga mamnucay oo Soomaaliya mar u ahayd il-dhaqaale oo aad muhiim u ah.

Dhinaca kale Shiinaha ayaa ka soo horjeestay in Golaha uu ku guuleysto in wax laga bedelo cunaqabateynta hubka Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhowr jeer ka codsatay, in la aqoonsado tilaabooyinkeeda ku aaddan dib u dhiska iyo qaadashada mas’uuliyadda amniga dalka.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay oo kaliya ayay Soomaaliya bilowday in ay cagaheeda isku taagto ka dib 30 sano oo fowdo ah.