Dowladda Somalia iyo Shirkadaha Coastline iyo Liberty Oo Kala Saxiixday Heeshiis Shidaal Soo Raaris Ah.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho waxaa lagu saxiixay heshiis shidaal qodis ah oo ay kala saxiixdeen dowladda somalia iyo Shirkadaha Coastline iyo Liberty, kuwaas oo qabilsan qodista shidaalka.

Heshiiskaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa  Madaxweynaha Soimaaliya Mohamed Cabdulaahi  Farmaajo, Guddoomiyaha Hay’add Batroolka Soomaaliya Ibrahim Cali Deer, Madaxweynayaasha Galmudud Axmed kaariye Qoor Qoor iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Block-yada shidaalka lagu saxiixay heshiiska ayaa ku kala yaalla Xeebaha degmooyinka Hobyo iyo Baraawe, labadan deegaan ayaa ka mid ah meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah oo horrey sahmin shidaal looga sameeyay, kuwaas oo la tuhmayo inuu shidaal ku jiro.

Shirkada Coastline ayaa waxaa hadda madax ka ah Cabdullaahi Shiikhey oo ah nin ku xeeldheer arrimaha qandaraasyada shidaalka, islamarkaana ah ninka haya malafka shidaalka Soomaaliya.