MUQDISHO-AYAAMAHA-Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafiyay aadna loo hadal haayay in dowladda Soomaaliya ay heshiis ku saabsan qodista shidaalka la saxiixaneyso shirkado ajnabi ah, hayeeshee waxaa Warkaasi beeniyay dowladda Soomaaliya.
Shirkadaha aadka loo hadal haayay oo mas’uuliyiin ka tirsan ay Muqdisho yimaadeen ayaa waxaa kamid ahaa shirkadaha Liberty Petroleum iyo Coastline Exploration oo horay loo oran jiray SOMA OIl & GAS.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in aysan Shirkaddo shidaal oo dowladda ay heshiis la saxiixaneyso, xiligaan dalka uu ku jiro marxalada kala guurka ah.
Waxaa uu sheegay Wasiir C/raxmaan Beyle in dowladda ay la kulantay Shirkaddo doonayay in lala saxiixdo shidaal laga qodayo dalka, hayeeshee uusan jirin heshiis lala galay, taasina ay u baahan yahay in sharci loo soo maro.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ugu baaqay inay ka qeyb qaatan sidii dalka looga saari lahaa shidaal iyo kheyraadyo kale oo ku jiray, isla markaana arrimahaas ay muhiim u tahay dowladda iyo dalka.
Hadalka Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa uu kusoo adaya, iyadoo Musharaxiinta Madaxweynaha ay Madaxda dowladda uga digeen inay heshiis qarsoodi ah la galaan Shirkaddo doonaya inay shidaal ka qodis ka sameeyan gudaha Soomaaliya.
Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan saxiixi doonin heshiis aan la isku raacsaneyn, kaas oo mar dambe ay ka imaan karaan dhibaatooyin kala duwan.