Dowladda Somalia oo qarisay xaqiiqda tirada dhimashada COVID-19 ee Soomaaliya.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Daraasad cusub oo lasoo saaray todobaadkaan ayaa muujineysa in tirada dadka cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Soomaaliya ay ka badan tahay tii markii hore la shaaciyey.

Daraasada waxay muujinaysaa in 6 bilood ee u horeeyey 2020 ay dhimashada dadka u geeriyooday Covid-19 ay u dhaxaysay 3000 ilaa 11000 oo qof.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadka uga badan u geeriyooday u diiwaan gelisay ayaa waxay ku sheegtay ku dhowaad 1000 oo qof tan ilaa markii uu cudurkan soo bilowday.

Journal ka faalooda caafimaadka oo lagu magacaabo International Journal of Infuctious deseases ayaa dhiwaan daabacay daraasadaan. Qubarada sameysay daraasadan ayaa adeegsaday technologies casrinah sida sawiro laga qaaday hawada sare, waraysiyo iyo macluumad kale.

Soomaaliya kama jirto tiro koob xadidan oo lagu sameeyo dadka geeriyoday sababtoo ah qofba qofkii ka dhinto isaga ayaa duugta isagoona wasaarada caafimaadka u sheegin, waana tan sababtay in lagu jahwareero tirada dhimashada.