Dowladda Somalia Oo Sheegtay In Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabaab Howlgal Lagu Dilay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka xoogga dalka oo saacadihii lasoo dhaafay howlgal ka sameeyay tuulooyin hoos yimaadda degmada Baardheere, ayaa bur buriyay saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen halkaas, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

Howlgalka ayaa waxaa lagu dilay mid kamid ah Saraakiisha Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka, waxaa la tilmaamay in Sarkaalkaas Meydkiisa lasoo bandhigay.

Gaashaanle dhexe, Maxamed Dheer, oo ah taliyaha ururka 49 aad guutada 10 aad qeybta 43 aad ayaa ku dhaawacmay qarax miino shalay haleelay gaariga uu la socday oo ku sii jeeday deegaanada howlgalada ay ka socdeen.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa soo kala gaaray labada dhinac, waxaana xusid in Taliye Maxamed iyo Ciidamo gurmad ahaan ugu socday Ciidanka weerar, lala eegtay qarax khasaaro dhaliyey.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgaladii la sameeyay ay kula wareegeen tuulooyin ay kamid tahay Kormari oo Alshabaab dadka ku dhibaateyn jireen.

Al-shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin degaan hoostega Magaalada Baardheere, waxaana halkaas ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Shabaabka.