Dowladda Somalia Oo Sheegtay Inay Howgal Ku Dishay Sarkaal Ka Tirsanaa Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamo gaar ah oo ka tirsan xoogga dalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaan lagu magacaabo Daarusalaam ee hoostega degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Qoraal lagu daabacay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa lagu sheegay in howlgalka ay fuliyeen Ciidanka Dowladda lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo magcaabisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Suubiye (Toosoow).

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusu Raage ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in Howlgalka qorsheysan oo sigaar ah uga dhacay aagga Masaajid Cali Gaduud lagu dilay Sarkaalka ka tirsanaa Al-shabaab.

Ma jiro faah faahin intaas ka badan oo Taliye Odawaa Yuusuf Raage uu ka bixiyay howlgalka la fuliyay, waxaana xusid mudan in halkaas dhowr jeer ay ka dhaceen dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Shabaabka.

Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa dhawaan howlgalo socday todobaadyo ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, sidoo kalena halkaas ay ka dhaceen qaraxyo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo lala eegtay Ciidanka Dowladda.