Dowladda Somalia Oo Sheegtay Inuu Socdo Qorshe Lagu Soo Saarayo Lacago Cusub

MUQDISHU-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed C/laahi oo maanta ka qeybgalay barnaamij ka baxay SNTV ayaa ka warbixiyay hannaanka lacag bixinta mideysan ee ay wadaagaan bangiyada dalka.

Guddoomiyuhu waxa sheegay in lagu guuleystay hannaanka isku xiran ee bangiyada, sidaa daraadeedna ay waajib tahay in dadka lala wadaago, iyadoo la xafidayo ayuu yiri hantida shacabka ee taallaa 13 bangi gaar ah oo xiriir wanaagsan la leh Bangiga Dhexe.
C/raxmaan Maxamed C/laahi ayaa xusay in waajibaadkooda qaran uu yahay hubinta adeegyada ay bixiyaan bangiyada gaarka ah iyo sida ay ugu dhaqmaan shuruucda lagama maarmaanka ah ee u degsan maamulada guud ahaan bangiyada.

Guddoomiyaha, mar uu ka hadlaayey soo saaridda lacago cusub oo shillin soomaali ah waxa uu qiray in ay socdaan diyaargarow ku aadan howshaasi, isla markaana waxaa uu rajeeyay in waqtiyada soo socda lagu guuleysto soo saaridda lacago cusub.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe C/raxmaan C/laahi ayaa waxa uu rajeeyay in sanadka soo socda la helo Koboc dhaqaale oo aad u wanaagsan ,inkastoo ayuu yiri Cudurka COVID-19 uu saameyn ku yeeshay ganacsigii caalamka iyo isu socodkii dadka.