Dowladda Somalia Oo War Kasoo Saartay weerarkii lagu qaaday Hay’adda Bisha Cas ee Qatar

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa is kulul uga hadashay weerar duqeyn oo Ciidamada Israa’iil la bartilmaameedsadeen Xarunta hay’adda Bisha Cas ee Qatar ee marinka Gaza 17-kii bishaan May.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa lagu Cambaareeyay weerarkii lala beegsaday Xarunta hay’adda Bisha Cas ee Qatar oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Dowladda ayaa falkaas dhacay ku tilmaamtay inuu yahay talaabo aan marmarsiinyo lahayn, isla markaana xadgudub cad uu yahay kana dhan ah sharciga caalamiga, anshaxa iyo qiyamka aadanaha.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynaysaa weerarka duqeynta cirka ah ciidamada gumeysiga Israaiil ay ku bartilmaameedsadeen xarunta hey’adda Bisha Cas ee Qatar ee marinka Gaza galabnimadii Isniinta, 17-ka May, kaasoo sababay geeri iyo dhaawac tiro dad ah oo aan waxba galabsan iyo burbur lixaad leh oo haleelay dhismaha Isbitaalka Hamad bin Khalifa oo adeegyo caafimaad u fidinayay dadka naafada iyo kuwa baahida gaarka ah qaba, falkani waa talaabo aan marmarsiinyo lahayn iyo xadgudub cad oo ka dhan sharciga caalamiga, anshaxa iyo qiyamka aadanaha” ayaa lagu yiri Qoraalka Xukuumadda.

Todobaadyadii la so dhaafay waxaa cirka isku shareeray isku dhacyada ciidamada Yahuudda iyo shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Qaza iyo Qudus, waxaana dhintay boqolaal qof oo isugu jiray Falastiiniyiin iyo Yahuud, inkastoo khasaaraha ugu badan uu gaaray shacabka Falastiin, sidoo kale ciidamada Israel waxay dhulka dhigeen dhismayaal waaweyn oo ku yaallay Qaza iyo Qudus.