Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo gaaray heshiis muhiim ah.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa gaaray heshii muhii u ah geeddi socodka deyn-cafinta iyo Dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad, sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Beyle.

“Waxa aan ku faraxsanahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda IMF ay gaareen heshiis muhiim u ah geeddi socodka deyn-cafinta iyo Dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad Barnaamijka #ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha dalka”.

Sidookale Hay’adda lacagta adduunka ayaa ballan qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonto dowladda cusub si loo gaaro barta kamadambeysta ee deyn cafinta Soomaaliya.

“IMF waxa ay ballan qaaday in ay si dhaw ula shaqayn doonto Dowladda cusub iyo Hey’addaha Maaliyadda dalka, si loo gaaro #Barta_Kamadambeysta”.