Dowladda Soomaaliya Iyo Qaramada Midoobe Oo Ka Wada Hadlay Taageerada Barnaamijka Xukuumadda Cusub.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Raiisul Wasaaraha, Mohamed Abukar Zubeyr ayaa maanta qaabilay masuuliyiin ka socday Qaramada Midoobay xafiisyadooda New york iyo Muqdisho, Ian Martin oo hoggaamiya Qaybta Dib u eegista Istaraatiijiyadda iyo James Swan oo ah Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q.M.

Waxay ka wada hadleen sida hawlaha iyo taageerada xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu siiyo dowladda loola jaangoyn lahaa barnaamijyada xukuumadda cusub ay ahmiyadda siin doonto.

Kulamada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa La taliyeyaasha Amniga iyo Xiriirk Caalamiga iyo Dib u Heshiisiinta ee XRW, Kamaal Guutaale, Dr Hodan Cismaan iyo Cali Cabdi Awaare.

Xubnaha ka socday Qaramada Midoobay ayaa markii dambe salaan sharafeed iyo hambalyeyn ugu tagay Ra’iisul Wasaare Xamse oo shalay ku dhawaaqay Golaha Wasiirrada cusub.