Dowladda Soomaaliya oo 129 Dhalinyaro Soomaaliyeed ka soo daad-gureysay Liibiya, kuna soo celisay dalka

Muqdisho Ayaamaha.com 129ruux oo u badan dhalinyarro ayay maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya dib ugu soo celisay dalkooda, ka dib markii laga soo daayay Xabsiyada Liibiya.

2War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 19 kamid ah Muwadiniinta Soomaalida ah loo diray magaalada Hargeysa oo ay hore uga tageen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo soo dhaweeyay dhalinyarradaan ayaa sheegay in dadaal dheeraad ah la galiyay sidii ay uga soo bixi lahaayeen Xabsiyada dalka Liibiya.

Dhalinyarradaan ayaa intooda badan qaab tahriib ah ku tagay dalkaasi Liibiya, iyagoo doonayay in ay u sii gudbaan dhinaca qaaradda Yurub, weliba qaab Tahriib ah.