Dowladda Soomaaliya oo Amartay in la soo xiro rag ku eedeysan dhoofinta dhuxusha

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xafiiska Xeer ilaalinta qaranka ee dowladda Soomaaliya amar ku bixiyay soo qabashadda Saadex eedeeysane oo loo heysto dhoofinta Dhuxusha kuwaas oo magacyadooda la faafiyey.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaaliye kuxigeenka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan  Cabdullaahi Maxamed loona diray Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa lagu amray in la soo xiro muwaadiniinta Magacyadooda ay kala yihiin.

1.Yuusuf Jaamac degan Mugdisho oo loo heysto dhoofinta 100,000 loor oo Dhuxul ah.

2. Axmed Xaaji Cali degan Mugdisho lagu eedeeyay dhoofinta  20,000 loor oo dhuxul ah.

3. Liibaan Xuseen Kaarshe degan lagu helay in uu dhoofiyay 20,000 loor oo dhuxul ah.

Sidoo kale Xeer ilaalinta Soomaaliya ayaa sheegtay in Dhoofinta dhuxusha ay tajay fal danbiyeed lagu ciqaabi karó, xeeka ciqaabta Soomaaliyeed, iyo Qod: 51-56-57, ee xeerka ilaalinta Deegaunka iyo Duur-joogta Soomaaliyeed oo  lagu mamnuucay Qaraarka Golaha Anaamka Qaramada
Midoobay S/RES/2036/2012, ee ku saabsan mamnuucida dhoofinta iyo soo dajinta dhuxusha Soomaaliya.