Dowladda Soomaaliya oo caddeysay Mowqifkeeda ku aaddan dagaalka Laascaanood.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay waxaa ay ka hadashay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee u dhexeeya Milleteriga Somaliland iyo dadka degaankaasi dega.

Dowladda oo mowqifkeeda ku aaddan arrinta Laascaanood markii ugu horreysay caddeysay ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay dhibaatada iyo dagaalka ka taagan Magaaladaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo shir-jiraa’id qabtaya yaa sheegay inay soodhaweynayaan go’aankii kasoo baxay waxgaardka Laascaanood eek u aaddanaa midnimada umadda Soomaaliyeed iyo in dadka Reer Laascaanood ay iska diidaan gooni isu-taagga Somaliland.

Wasiirka ayaa intaa ku daray inay ku baaqayso Dowladda Soomaaliya in xal lagu dhammeeyo arrintaasi, iyadoo la eegayo midnimada Soomaaliya, waxgaardka labada dhinacna ay heshiis gaaraan kaasi oo lagu joojinayo dagaalka.