Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay shirkadaha bixiya adeegga Maraakiibta

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa uga digtay shirkadaha bixiya adeegga Maraakiibta (Ship Agents) inay xogta badeecadaha ay dalka keenaan la wadaagaan Kooxda Al-Shabaab oo sanadihii u dambeeyay canshuur ka qaadayay shixnadaha ganacsi ee laga soo dejiyo Dekeda Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa Shirkaddaha ka howlgala Dekedaha lagu faray in ciddii lagu helo falalka nuucaan ah loo aqoonsanayo inay si toos u taakuleeyaan Al-Shabaab, lagana qaadi doono tallaabooyin isugu jira mamnuucis shaqo iyo in lagala wareegayo ganacsigooda.