Dowladda Soomaaliya oo gargaarkii ugu horreyey u dirtay Guriceel

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHAWasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Soomaaliya  ayaa gargaar deg deg u dirtay magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasi oo maalmahii lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ay kula dagaalamayeen xoogaga Ahlusuna.

Wasiirka Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in gargaarka oo ka kooban teendhooyin iyo maryaha kaneecada laga hoos galo uu gaari doono maanta iyo bari si loo gaarsiiyo dadkii dhibaatada kasoo gaartay howlgaladii la socday maalmahi lasoo dhaafay magaaladaasi.

Duleedka degmada Guriceel ayaa waxaa weli ku sugan dadkii ka barakacay Magaalada, kuwaas oo ka cararay dagaaladii halkaasi ka socday.