Dowladda Soomaaliya oo gurmad gargaar ah geysay degmada Buulo-Burde

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta gargaar ah raashin ah gaarsiisay magaaladda Buula-burde ee gobolka Hiiraan.

Diyaarad sida gargaarkaan ayaa saakay ka duushay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho, ayada oo ay goob joog ka ahaayeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee deegaan doorashoodu tahay gobolka Hiiraan oo uu ka mid yahay, wasiirkii hore ee amniga xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir iyo xildhibaan Cabdinaasir Shirwac.

Wasiirka gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in gargaarkaan loogu talagalay dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira gobolka hiiraan.

Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan oo ay kusoo barakaceen Boqolaal kamid ah dadka ay saameeysay Abaarts ayaa waxaa horay u tegay Ergayga gaarka ah ee  Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kaas oo sheegay in xaalado nolol xumo ay kajirto degmadaas.