Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dibaxbaxyadii Shalay Ka Dhacay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka amniga dowladda federaalka Soomaaliya Xassan Xundubeey Jimcaale ayaa sheegay in laamaha amaanka aan lagu soo wargalin dibadbaxii shalay ka dhacay caasimadda.

Dibad-baxyadan ayuu wasiirka ku tilmaamay kuwa rabshado lagu abuurayo oo ay dad gaar ah soo abaabuleen.

“Ma dhicin in la soo maro dhamaan lamaaha amniga, iyada oo uu ciidanka u taaganyahay inuu bulshada nabeeda ilaaliyo in dad kale ay soo abaabulaan wax nabaddii dhaawacayo oo lagu sheegayo mudaharaad oo ah rabshad abuur.” Ayuu yiri wasiirka amniga ee dowladda federaalka ee Soomaaliya Xassan Xundubeey Jimcaale.

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa ugu baaqay dowladda fedaralka ee Soomaaliya in ay dhowrto sharciga ayna dhaqangaliso qodobadii doorashada ee lagu heshiiyay.

Mr Xassan ayaa dhanka kale taageeray dadkii shalay dibedbaxa ka dhigay magaalada Muqdisho, isagoo dibedbaxayaasha ku tilmaamay mid dimuqraadi ah ayna ka qeyb qaadan doonaan hogaamiyaasha mucaaradka.