Dowladda Soomaaliya oo Kenya ku eedaysay weerraro ay caruur iyo haween ku dhinteen oo ka dhacay Gobolka Gedo.

Kenya Defence Force soldiers arrive in Garissa University College in Garissa April 4, 2015. REUTERS/Goran Tomasevic

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay wax ay ku tilmaantay weerrar aan loo aabba-yeelin oo ay sheegtay in ciidammada Kenya ay ka gaysteen gudaha dalka kuwaas oo si ay hadalka u dhigtay lagu beegsaday dad rayid ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerar dhanka cirka oo aan loo meel dayin ay diyaaradaha Kenya ka gaysteen saddexdii bishaan Juun deegaanno ka tirsan gobolka Gedo, kaas oo ay sheegtay inuu sababay dhimasho iyo naafeyn dad rayid ah oo ay ku jiraan caruur iyo haween.

War ka soo baxay xalay wasaaradda arrimaha dibadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada cirka Kenya ay gobalka Gedo ka gaystaan dhimashada dad rayad ah oo ay caruur iyo haweenba ku jiraan.

“Weerarkii cirka ee aan loo aabbo yeelin ee ka dhacay Ceel Cadde iyo Hisa-u-gur oo ka tirsan gobolka Gedo, Jubaland State, 3-dii Juun 2021, waa tusaalaha ugu dambeeyay ee hawlgallada Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ee keenay dhimashada iyo naafaynta dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur oo si isa soo taraysa u noqdaya astaan aan fiicnayn oo ah hannaanka hawlgalka ee ciidamada cirka ee Kenya” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.