Dowladda Soomaaliya oo ku gacan seertay go,aanka QM ee howlgalka la dagaalanka burcad badeedeeda.

Howlgalka burcad badeedeeda Soomaaliya
Howlgalka burcad badeedeeda Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha ammaanka ee QM ayaa ogolaaday qaraar ay gudbisay Dowladda Mareykanka kaasi oo waqti dheerad ah loogu daray howlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya iyo ka hortaga xaalufinta kheyraadka biyaha Soomaaliya.

Qaraarkaan farqadiisi 7aad ee ku xusan heshiisyada QM ayaa ogolaanaya in si awood ah loo fuliyo, iyadoo laga hortagayo burcad badeeda iyo kuwa xaalufka ku sameeya biyaha Soomaaliya.

“Waxaan rumeysannahay in go’aannada ka soo baxay golaha ammaanka ee ku saabsan burcad-badeedda iyo dhaca hubeysan ee xeebaha Soomaaliya lagu guuleystay laga gaaray hadafkii laga lahaa,” ayuu danjiraha Q.M ee Soomaaliya Abuukar Daahir Cismaan u sheegay golaha kaddib codeynta.

Qaraarka kasoo baxay Golaha ammaanka QM ayaa loogu baaqay wadamada ka qeyb qaadanaya inay iskaashi kasameeyaan macluumaadka sirta ah ee horseedaya in laga hortago burcad badeednimada iyo in la weeraro Doomaha iyo Maraakiibta Ganacsatada u raran ee adeegsanaya biyaha Soomaaliya.

Golaha ayaa muddo 12 bilood ah dib u cusboonaysiinayay oggolaanshaha ururrada gobolka iyo dalalka ay kula dagaallamayaan budhcad-badeedda iyo dhaca hubaysan ee xeebaha Geeska Afrika. Balse sanadkan dowladda Soomaaliya oo ogolaansho looga baahan yahay ayaa ka hortimid dib u cusbooneysiin sanad kale ah oo uu dalbaday dowladda Mareykanka oo soo diyaarisay qaraarka, waxaana ay ogolaatay kaliya seddex bilood ka dib wadahadalo lala yeeshay Mareykanka iyo xubnaha kale ee golaha.

Soomaaliya oo sanadkaan dalbatay in gabi ahaanba la joojiyo howlgalkaasi ayna ku filan yihiin ciidamada badda Soomaaliya ayaa Dowladda Mareykanka waxa ay ka hortimid qaraarkaasi  waxana la qaatay go,aan ah in meeshii sanad loogu kordhin jiray hada lagu soo koobo muddo 3bilood ah.