Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday baahinta wararka Al-Shabaab iyo Xasan Daahir Aweys oo internet laga xiray.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Soomaaliya waxay dambi ka dhigtay in la faafiyo wax kasta oo la xiriira Al-shabaab, sida Muuqaalada sawirada codadka iyo farriimaha Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in kabadan 40 buqcadood ay internet-ka adeegsan jireen argagaxisada al shabaab sida uu warka udhigay hawada laga saaray,kuwo kalena hadda lagu mashquulsan yahay.

Dawladda Soomaaliya ayaa hore umamnuucday in warbaahinta madaxa banaan tebiyaan codadka warka la xiriira al shabaab waxaase hadda cusub inay gebi ahaanba diiday in laga hadlo war kasta oo kusaabsan Al shabaab.

Wasiirka oo ka jawaab celinayey su’aal la weydiiyey oo aheyd arinta Xasan Daahir Aweys oo xabsi guri ku ah Muqdisho Dawladdana gacanta ku heyso dhowr jeerna lagu arkay baraha bulshada isagoo ka taageeraya fikirka al shabaab ayuu sheegay wasiir al cadaala in la mamnuucay wax kasta oo shabaab lagu dhiiri gelinayo,hadalkiisana loo fasiran karay in laga mamnuucay Xasan Daahir adeegsigii Internet-ka uu muuqaalada sida tooska ah usoo geli jiray.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa siyaabo kala duwan waxay usheegeen in ay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.