Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal lagu dilay Saraakiil & Xubno katirsan Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa  in la dilay Yuusuf Maxamad Jingaab. (Wasiir) oo ahaa Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo dowladdu sheegtay in  halis wayn uu ku ahaa badqabka Shacabka Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Yuusuf Jingaab uu ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan Al-Shabaab ee qaabilsanaa dhanka qorista Xubnaha ku biiraya Al-Shabaab.

Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in Yuusuf Jingaab lagu dilay hawlgal Ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Juxaay isaga iyo 87 xubnood oo kale oo ka tirsanaa Shabaab, 15-kii bishaan.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay  in cadaaladda la marsiiyo kuwa dhibaateeya Shacabka Soomaaliyeed.

Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa uu kamid yahay Gobolada ugu badan oo maalmihii la soo dhaafay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay ka socdaan, waxaana Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka degaanka ay la wareegeen degaano dhowr ah.