Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dib u fureyso safaaradeeda Kenya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay fureyso Safaaradeeda Soomaaliya islamarkaana ay soo celiso xariirkii Diplumaasadeed ee labada dal ee horay u xumaaday.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay furi doonto Safaaradeeda Nairobi islamarkaana ay soo celisay xariirkii iyo wadashaqeyntii Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Soomaaliya waxay amaanteeda u soo bandhigeysaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Kenya sharafna ay u leedahay in dawladda federaalka Soomaaliya caadi ka dhigto xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Kenya in ay dib u furato howlaheeda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay furi doonto si dib-u-heshiisiin ah safaaraddeedii Kenya.

“ Dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed oo buuxa wuxuu noqon doonaa bilow wanaagsan oo ku aaddan bilowga wada-hadallada labada dal u dhexeeya, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka faa’iideysanaysaa fursaddan ay dib ugu cusboonaysiinayso  hubinta tixgelinta heshiiska labada dal.

Soomaaliya bishii Diseembar 2020 waxay u jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Kenya, iyadoo ku eedeysay Nairobi inay si joogto ah ugu xadgudubto madaxbannaanida, basle waxay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Nairobi 5-tii Bishii Maajo iyada oo ay dhexdhexaadisay Dowladda Qatar.