Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay ka hortagtay weerar qarax oo ku wajahnaa Guriceel

MUQDISHO-AYAAMAHA-War kasoo baxay Taliaka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay dileen Sarkaal iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab u qaabilsanaa Degmada Guriceel ee Gobolka Galguduud, kuwaas oo gaaraya ilaa lix Xubnood.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Sarkaalka ka tirsan Al-Shabaab iyo Xubnaha la socday ay doonayeen inay xalay gaari waxyaabaha qarxa ay ku soo rareen ku soo weeraraan degmada guriceel ee gobolka Galguduud, balse ka hortageen.

Ciidanka xoogga dalka oo kawar helay dhagarta Al-Shabaab ayaa gacanta ku dhigay gaarigii Surf-ka ahaa ee Al-Shabaab qaraxyada ka soo buuxiyeen iyo Jaakado Qaraxyo ah waxeeyna Ciidanka dileen Sarkaalkii u qaabilsanaa magaalada gurigeel kaasi oo lagu magacaabo Daauud Shaambil, iyo laba Xubnood oo kale ayuu yiri” Taliye Odawaa.

Taliyaha ayaa xusay in Ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta galmudug ay ku raad joogaan Saddexdii kale ee baxsatay isla markaana gacanta ay ku soo dhigi doonaan.

Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa soo martay xaalado kala duwan, waxaana sidoo kale horay ugu dagaalamay Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna, hayeeshee waxaa hadda gacanta ku haaya Ciidamada kala duwan ee dowladda iyo kuwa Galmudug.