Dowladda Soomaaliya Oo si adag uga hadashay weerarkii lagu qaaday Xasan Sheekh

muqdisho-ayaamaha-Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay rasaas manta lagu furay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka cadaaladda XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in guddi uu horkacayo taliyaha Asluubta loo saaray baarista is rasaaseyn galabta dhex martay ciidan Asluubta ka tirsan iyo ilaalada Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa uu sheegay in caddaaladda la marsiin doono cidwalba oo ku lugyeelata falkaasi oo ahaa mid aan lama filaan ah.

“Maanta waxaa dhacay shil dhex-martay ciidan Asluubta ka tirsan iyo ilaalada Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, waxuuna ahaa shil si qaldan u dhacay, waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in ciidanka Asluubta aysan si ku talgal ah u geysan shilkaas,” ayuu yiri wasiir Cabdulqaadir Maxamed.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Arrintaas hadda waxaan u xilsaarnay guddi uu Taliyaha horkacayo, cidii uu ku cadaado qalad noocaan ahna, waxaan hor keeni doonaa sharciga, qaladkaas oo kale in uusan nagu soo laabana waan ku dadaaleynaa, sida loo maamulayo baraha controlna waan ka wadahadalnay taliyaha, waana la hagaaji doonaa, waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed ay ogaadaan ciidamada mas’uuliyad ayaa saaran, qalad waa dhici karaa, laakiin muhiimadu waa in laga daba tago oo la saxo, madaxweyne Xasana waxaan uga mahad naqeynaa, sida uu u xakameeyey arrintaan, waana ka raali gelineynaa.”

Kolonyo uu la socday Madaxweynihii hore ayaa lagu rasaaseeyay agagaarka Kawaanka Malayga ee degmada Xamar Weyne, halkaasoo bar koontarool ay ku leeyihiin Ciidanka Asluubta.

Ciidanka Asluubta ee koontaroolka ku leh bartaas ayaa dhowr jeer rasaaseeyay gawaari mas’uuliyiin iyo oday dhaqameedyo la socdeen oo u dambeeyay weerarkii gaariga Imaam Maxamed Yuusuf.