Dowladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Xiriirka Diblomaasiyadeed Ugu Jartay Kenya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Soomaaliya ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Kenya, waxayna Kenya  ku eedeysay xadgudubyo joogto ah oo ay ku sameyneyso madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhammaan diblomaasiyiinteeda kala soo baxeyso daalka Kenya, waxayna ku amartay inay kuwa Kenya dalka uga baxaan toddoba maalmood gudahood, oo ka billaabata 15-ka December.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa madaxbannaanideeda qarannimo ee uu dammaanad qaadayo xeerka iyo qaanuunka caalamiga ah, gudanaysana waajibka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta midnimada, qaranimada iyo xasilloonida dalka waxa ay go’aansatay in ay xiriirka diblumaasiyadeed u jarto Dowladda Kenya.” ayuu yiri wasiirka war faafinta Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta ayaa ayaa yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u yeeranaysaa dhammaan diblomaasiyiinteeda ka jooga Kenya in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda, waxayna ku amraysaa kuwa halkan ka jooga Dowladda Kenya in ay dalka kaga baxaan muddo 7 maalmood ah oo ka bilaabaysa 15-ka Diseembar 2020,”.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u aragto shacabka Kenya inuu yahay shacab jecel nabadda iyo wada noolaashaha shucuubta gobolka, ayna kala dhaxayso shacabka Soomaaliyeed xiriir qotodheer oo ku dhisan deris wanaag iyo wax wada qabsi. Balse hoggaanka maanta ee Dowladda Kenya uu ka shaqeynayno kala fogeynta labada shacab ee dan-wadaagta ah.

Hadalkaan kasoo yeeray dowladda Soomaaiya ayaa yimid maalin kadib markii dowladda Kenya ay dalkeeda ka casuuntay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo Isniintii Nairobi kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.