Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay duqeyn uu Mareykanka la eegtay Saldhig ay leeyihiin Al shabaab.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay la beegsadeen saldhig kooxda Al-Shabaab ay ku leedahay Tuulo lagu magacaabo Hareeri-gubadle oo qiyaastii 20 Km dhinaca bari kaga beegan Degaanka Wabxo ee Gobolka Galguduud.

Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo lagu faah faahiyay weerarkan dhinaca cirka ah ayaa lagu sheegay iney wadajir u fuliyeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Marykanka, iyadoo weerarkan uu ku soo aaday xili dhawaan saraakiil Ameerikaan ah ay madaxweyne Biden ka dalbadeen inuu dib u bilaabo weerarada noocan ah.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay weerarkan cusub in lagu dilay in ka badan 200 oo Xubnood iyo Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo aysan shaacin magacyada saraakiisha iyo xilalka ay ka hayeen kooxda dhexdeeda.

Shabaab wali wax war ah meysan ka soo saarin sheegashada dowladda ee khasaaraha duulaankan, mana jirto ilo ka madax banaan dhinaca dowladda oo xaqiijin kara sax ahaanshaha xadiga tirada badan ee askarta lagu dilay duulaankan.