Dowladda Soomaaliya oo xirtay Terminalka ay isticmaali jireen Qaramada Midoobey iyo AMISOM

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay Albaabada u laabtay Tarminaalka Garoonka Aadan Cadde ay kasoo degtaan Ajaanibta iyo shaqaallaha qaramada Midoobey  ka dib war kasoo baxay maamulka Garoonka.

Maareeye kuxigeenka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Ceydaruus Axmed Kaahiye ayaa sheegay in la xiray illaa amar dambe Terminalka Movcon ee ay isticmaali jireen Qaramada Midoobey, AMISOM iyo Safaaradaha reer Galbeedka, kaddib warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale waxaa lagu amray inay wixii hadda ka dambeeyay dhammaan duulimaadyada imaanaya iyo kuwa baxaya inay isticmaalaan Terminaalada qeybaha gudaha, caalamiga iyo qeybta VIP-da.

Arrintaan ayaa timid ka dib markii AMISOM ay diiday in halkaasi la geeyo ciidamo Boolis ah oo qeyb ka noqon doonnaa baaritaanada iyo hubinta waxa laga soo dejinaayo qeybtaasi.