Dowladda Soomaaliyeed oo war kasoo saartay dagaal ka socoda deeganka Yasooman

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa 20 tirsan maleeshiyada Alshabaab ku dilay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan oo ay saakay soo weerareen.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka siina hayay xogta abaabulka weerarka Kooxda khawaarijta ah ayaa ka hortagay weerarka nafla caariga ah waxaana ay ku dhufteen dharbaaxo kale oo xooggan oo ay adkaan doonto in ay ka soo kabtaan nabad diidka.

Inta lagu jiray hawlgalka ciidankeena geesiyaasha ah waxaa ka shahiiday 3 askari, kooxihii khawaarijta ee weerarka soo qaadayna waxaa ay ka carareen meydadka dhalinyaradii ay soo qaldeen.

Ciidanka oo ku daba jira firxadka maleeshiyadii weerarka soo qaaday ayaa gaaray deegaanadii ay iska soo abaabuleen oo Yasooman u jira 20km waxaana ay ka wadaan hawlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Ciidamada dowladda oo garabsanaya dadka deegaanka waxaa ka go’an ciribtirka argagixisada Al-shabaab oo dhammaan lagu jabiyay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan loogana dilay maleeshiyaadkii ugu badnaa.