Dowladda UK oo go’aan ka gaartay tallaabo ay ka qaadi laheyd ciyaarahan Mo Farah.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Mo Farah ayaa sheegay in uu “nafisay” markii uu xafiiska Waaxda Arrimaha Gudaha ee UK sheegay in uusan wax tallaabo ah ka qaadi dooninciyaaryahankan, kaddib markii uu shaaca ka qaaday in uu UK kusoo galay si sharci darro ah.

Xiddigga ciyaaraha Olympic-ga ayaa Isniintii markii ugu horraysay soo bandhigay in magaciisa dhabta ah uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin, balse uu dhalashada Britain ku qaatay magaca Maxamed Faarax.

Maxamed Faarax waxa uu ahaa magac ay siiyeen dadkii waddanka UK sida sharci darrada ah kusoo geliyay.

Mar la weydiiyey Mo Farah sida uu arko jawaabta dowladda, waxa uu yiri “waxaan dareemayaa nafis. Kani waa dalkayga.”

“Ma jiro canug doonaya inuu ku sugnaado xaaladdaas. Aniga arrintaas waa la ii dooray.”

“Aad ayaan uga mahad-celinayaa fursad kasta oo aan ku helay Britain, aad ayaana… ugu faraxsanahay inaan dalkayga u matalay sidii aan u matalay, sababtoo ah taas waa waxa kaliya ee aan sameyn karay oo gacanteyda ku jira, markii aan yaraa ma lahayn maamulkayga.”

Mo Farah ayaa waxaa markii dambe ka caawiyey inuu dhalashada UK helo macalinkiisa cayaaraha ee iskuulkii uu dhigan jiray, Alan Watkinson, isaga oo weli isticmaalaya magaca Mohammed Farah oo ay siisay haweeneydii sida sharci-darrada ah kusoo gelisay Britain. 

“Ilama ahan in Alan uu wax khalad ah sameeyey,” ayuu yiri Mo Farah. 

“Kani waa waddankayga. haddii uusan ahaan lahayn [macallinkeyga maaddada ciyaaraha] Alan iyo dadka i taageeray carruurnimadeydii oo dhan, waxaa laga yaabi lahaa in aanan heli lahayn dhiirranaanta aan sidan ku sameeyay.”

Mo Farah oo ah 39 jir ka mid ah orodyahnaada loogu jecel yahay uguna guusha badan Britain, ayaa shaaca ka qaaday in magaciisa saxda ah uu yahay Hussein Abdi Kahin, islamarkaana isaga oo caruur ah lagu qasbay inuu guri ka shaqeeyo kadib markii UK la keenay isaga oo 8 ama 9 jir ah. 

“Waxaa jira dad badan oo noloshayda abaal ku leh – gaar ahaan xaaskayga, oo aad ii taageereysay guud ahaan waqtigii aan xirfadda kusoo jiray, waxayna i siisay awoodda aan uga hadlay arrintan, iyadoo ii sheegtay inay tahay wax caadi ah.”

Booliska London ayaa sheegay “inay qiimeynayaan” tuhunada ku saabsan in Mo Farah lasoo tahriibiyey, kadib markii hooyadiis ay soo dirtay si uu uga baxsado dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya.

Mo Farah oo ku guuleystay tartamada 5,000m iyo 10,000m ee cayaarihii olombikada ee London 2012 iyo Rio 2016 ayaa horey u sheegay inuu UK la yimid qoyskiisa isaga oo qaxooti ah kadib markii ay kasoo carareen Soomaaliya.