Dubbe oo ku guuleystay doorashada Senatarka iyo dagaalkii xalay ee Villa Somalia ku reebi rabtay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasirka Warfaafinta Xukuumada Xilgaarsiinta Soomaaliya Prof Cismaan Abokor Dubbe ayaa ku guuleystay Senatar ka tirsan aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Cismaan Abokor Dubbe ayaa waxaa uu ahaa wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya wuxuuna si weyn u taageersanaa madaxweyne Farmaajo, isagoo la sheegay in Madaxtooyada ay rabtay inuusan ku soo bixin doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Dubbe ayaa dagaalkii Farmaajo iyo Rooble dhexaray waxaa uu si toos ah ula saftay Ra’iisul wasaaraha isagoo warbaahinta dowladda u diiday in warqada kasoobaxa Madaxtooyada lagu baahino warbaahinta Dowladda.