Dumarka Koonfur Afrika oo loo ogolaaday in halmar ay guursan karaa 4 nin.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dad u badan kuwa ay ku weyn tahay ilaalinta dhaqanka Afrikaannimada ayaa si weyn u dhaliilay qorshe ay taageertay dowladda Koonfur Afrika oo haweenka loogu oggolaanayo in mar qura ay wada guuran karaan rag badan.

Balse Prof. Collis Machoko, oo caan ku ah mowduucan ayaa si weyn ula yaabay qorshahan lagu tilmaamay mid lagu xoojinayo sinnaanta ragga iyo dumarka.

“Bulshooyinka Afrika diyaar uma aha sinnaanta dhabta ah. Ma naqaano waxa aan ku sameyno haweenka aynaan xakamayn karin,” ayuu yiri mar uu BBC u warramay.

Dalka Koonfur Afrika oo lagu tilmaamo inuu ka mid yahay waddamada leh dastuurka xorta ah, wuxuu oggolaanaya guurka dadka isku jinsiga ah iyo in ragga ay haween badan guursadaan.

Kooxaha taageersan

Elizabeth Retief, oo xubin ka ah ururka PolyamorySA, ayaa soo dhoweysay soo jeedintan iyadoo ku sheegtay inay tahay tallaabo loo qaaday dhanka saxda ah.

Sida ay qabto Retief, soo jeedinta waaxda ayaa horseedi doonta in la aqbalo dhaqanka guurka badan ee dalkaas.

Waxay sheegtay in guurka badan ay ku saleysan yihiin qiyamka, fekerka dhaqanka iyo doorarka jinsiga kala duwan.

Dad kale oo la dhacsan soo jeedintan ayaa baraha bulshada kaga dhiibtay ra’yigooda: