Dunida Oo Markale Ku Fidaya Fayras Cusub oo Ka Halis Badan Covid-19

MUQDISHO-AYAAMAHA-Meelo ka mid ah caalamka ayaa laga soo tabiyay faafitaanka nooc cusub oo ka mid ah fayraska corona, kaas oo sababay cabsi hor leh.

Dalalka Hindiya iyo Pakistan ayaa noqday kuwii ugu dambeeyay ee xaqiijiyay kiisaska nooca cusub ee fayraska, kaasoo ah mid u fidaya si ka deg deg badan sida uu faafayay Covid-19.

Noocan fayraska ah – oo markii ugu horreysay lagu arkay waddanka UK – ayaa sidoo kale laga soo sheegay dalalka Kuuriyada Koonfureed, Canada iyo waddamo kale oo ku yaalla qaaradda Yurub.

Dhinaca qaaradda Afrika, waddanka Koonfur Afrika ayaa looga dhawaaqay bandhow dhaqdhaaqaaqa dadweynaha ah kaddib markii la helay kiisas ka mid ah nooca cusub ee fayraska, kuwaasoo si deg deg badan u fidaya.

Qaar ka mid ah waddamada caalamka ayaa dhawaan UK kusoo rogay xayiraad dhinaca safarka ah, iyagoo mamnuucay in diyaaradaha kasoo baxa halkaas ay waddamadooda soo galaan.

Hindiya ayaa isbuucii lasoo dhaafay ka mid noqotay dalalka joojiyay duullimaadyada UK.

Ma jirto caddeyn loo hayo in nooca fayraska ee hadda fidayo uu yahay mid ka halis badan kii horay u jiray, inkastoo arrintaas ay u baahan tahay in isha lagu hayo.

Barfasoor Chris Whitty oo ka mid ah la taliyeyaasha dhinaca seyniska ee UK ayaa xaqiijiyay in aysan jirin cabsi laga qabi karo in noocan uu khatar gaar ah leeyahay.

Hase yeeshee waxaaba isbitaallada dhib ugu filan in uu u faafayo si ka dhakhso badan sida fayraska noociisii hore.