Duqa Degmada Gaalkacyo oo ku dhawaaqay in Al-Shabaab laga saarayo Gobolka Mudug.

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Duqa Degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug Cabdiraxamaan Sheekh Xasan ayaa ka hadlay dagaalada iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay kulan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in dagaaladaas ay Ciidamada guulo waaweyn ka gaareen, isla markaana Al-Shabaab ay dagaaladaas ku guuldareysteen.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in xilligaan aysan Al-Shabaab awood u laheyn inay ka hortagaan howlgallada Ciidamada, waxaana Bulshada ku nool Gobolka Mudug inay la Shaqeeyaan Ciidamada dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Duqa Degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug Cabdiraxamaan Sheekh Xasan ayaa sheegay in qorshuhu yahay in guud ahaan degaannada Gobolka Mudug laga saaro Al-Shabaab oo uu sheegay inay kaliya kusoo koobmeen inay miinooyin Aasaan.

Hadalkan kasoo yeeray Duqa Degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug Cabdiraxamaan Sheekh Xasan ayaa kusoo aadaya xilli Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug howlgalladii ugu dambeeyay ay kula wareegeen degaano dhowr ah.