Duqa Muqdisho Oo Amar Cusub Dul Dhigay Xoghayaha iyo Ku Xigeennada Maamulka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho   Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta shir Gudomiyay shirkii Maamulka sare ee Gobolka Waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah.

Arrimaha looga hadlay ayaa waxaa ka mid ah  sare uqaadista shaqooyinka holoryaala maamulka,sida Arrimaha amniga, Bilicda Magaalada, isku xirka Maamulka iyo Degmooyinka.

Guddoomiye Cumar ayaa faray ku xigeennada maamulka iyo Xoghayaha Guud in ay dardar galiyaan Awaamiirta ka soo Baxday shirkii maanta.

Maamulka Banaadir ayaa muddooyinkii dambe waxaan uu ka shaqeynaayey dhismaha wadooyinka caasimada ee Muqdisho iyo howlo kale oo ay kamid yihiin nadaafada.