Duqa Muqdisho Oo Gurigiisa Ku Wareejiyay Muwaadin Si Sharci darro Looga Heystay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta muwaadin Soomaaliyeed ku wareejisay gurigiisa oo si sharci darro looga heystay muddo 30 sano.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gurigan oo ku yaalla degmada Kaaraan ayaa waxaa muddo xoog waxaa ku degenaa qoys Soomaaliyeed, waxaana arrintaas ay gaartay heer Maxkamadeed oo markii dambe loo xukmiyay muwaadinkii lahaa guriga.

Mas’uuliyiin uu horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay wehliyeen, Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshDa iyo maamulka degmada Kaaraan ayaa waxaa meel fagaare muwaadinka gurigiisa xoogga looga heystay loogu wareejiyay furihiisa.

“Ma dhici doonto in guri ku yaala Magaalada Muqdisho xoog lagu heysto inta aan xilka hayo”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uusan marnaba aqbali doonin in magaalada gudaheeda la isku baado oo xoog la isku heysto guryaha.