Duqa Muqdisho oo kormeeray wadooyin uu biyo dhigay Roobka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray wadada Daalo oo kamid ah wadooyinka uu saameeyay roobabkii maalmihii lasoo dhaafay ka da’ay Magaalada Muqdisho.

Kormeerkan waxaa duqa Magaalada Muqdisho ku Wehlinaaye Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo taliyaha ciidanka ilaalinta wadooyinka ee Boliiska.

Sidoo kale masuuliyiintan iyo saraakiisha amniga ayaa kormeeray xaafadaha ku teedsan Wadada Daalo si ay ugu kuurgalaan shaqada ay dowlada Hoose Xamar ka waddo Wadadaas oo kamid ah kuwa ugu Muhiimsan ee Caasimadda.